
Wasiirka kalluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa la saxiixday shirkadda OYAK ee dalka Turkiga dhaqangelinta heshiis la xiriira iskaashiga iyo horumarinta waxsoosaarka badda oo ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac.
Heshiiska ayaa la sheegay in uu Soomaaliya u horseedi doono maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshadaha kalluumeysiga dalka iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiiska oo ka dhacay xarunta shirkadda OYAK ee magaalada Ankara, waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah Cabdi Diirshe.
Dhanka Turkiga waxaa ka qaybgalay madaxda wasaaradaha gaashaandhigga, beeraha & kaymaha, arrimaha dibadda iyo guddoonka sare ee shirkadda OYAK.
PUNTLAND POST