
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado in uu saacadaha soo socda ka furmo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Shirka Kismaayo oo socon doona daddex berri ayaa looga hadlayaa dhammeystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka.
Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa bishii Oktoobar ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, hase ahaatee waxaa jira xubno ka tirsanaa golaha oo dhawaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga, waxaana ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST