
Puntland ayaa xabsiga magaalada Boosaaso dhigtay ilaa sagaal qof oo laga soo qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ku eedeysan in ay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo maamulka Somaliland.
Dadka la xirxiray waxaa la sheegay in uu ku jiro taliyihii Somaliland ugu magacownaa Booliiska Badhan, sawirqaade iyo dad kale. Somaliland ayaa maalin ka hor guddoomiyeyaal cusub u magacowday degmooyinka Badhan iyo Laasqoray, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyay in aysan ku jirin dadka la xirxiray.
Waa markii ugu horreysay inta la ogyahay oo ay Puntland tallaabo ka qaado dad xilal ugu magacaaban iyo kuwa taageersan maamulka Somaliland oo ku sugan gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST