Axmed Madoobe oo beesha Caalamka kula shiray Nairobi, kadibna ku soo laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Axmed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona magaalada Kismaayo, sida lagu sheegay qoraal ka baxay madaxtooyada Jubaland.

Shirkaas kadib, madaxweynaha Jubaland ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu doonayo in uu ka qabanqaabiyo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo dhowr jeer baaqday, hadana la filayo in uu dhawaan qabsoomo.

Shirka Kismaayo waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madasha Samatabixinta, waxaana looga arrinsan doonaa xaalada kala guurka ah ee dalka iyo dhammeystiri qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga, waxaana xubnahaas ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST