
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa maanta kulan la qaatay wafdi uu hooggaaminayo guddoomiyaha gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomalida (DDS) Cabdullaahi Deeq Xasan oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa maagalada Garowe ee xarunta Puntland.
Kulanka waxaa looga hadlay iskaashiga amniga xuduudaha Dowlad Deegaanka iyo Puntland, wada shaqaynta guud iyo taageeridda dadka abaartu saameysay ee u guuray gobolka Doollo.
Shirka waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Jifi-Jabsade, guddoomiye ku xigeenada gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Maxamed Cali Marduuf, guddoomiyaha degmada Galxamur, saraakiil amni iyo xubno ka socday qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe.
PUNTLAND POST