
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasme Cabdi Barre ayaa cayriyay wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Axmed Geesood iyo wasiirkii howlaha guud & guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Jamaal Maxamed Xasan oo hore ugu tartamay xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari u magacaabay wasiirka ganacsiga & warshadaha, halka uu xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf u magacaabay wasiirka howlaha guud & guriyeynta.
Wareegtada magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradda waxaa akhriyay afhayeenka xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir.
PUNTLAND POST