
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad.
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Sacuudi ka taageerto Soomaaliya iyo doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.
Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maraynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale iyo masuuliyiin kale.
PUNTLAND POST