Beesha Warsangeli oo magdhow ka dalbaday Maraykanka

Waxgaradka beesha Warsangeli oo kulan ku yeeshay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa magdhow ka dalbaday ciddii dishay caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaqii caaqil Cumar ay ka sugayaan ciddi falkaas geysatay iyo cid walba oo ku lug lahayd, isaga oo tilmaamay in ay aaminsan yihiin in xaq darro lagu dilay. Suldaanku waxa uu xusay in uu cagantiisa midig ahaa caaqil Cumar, islamarkaana ahaa nin cibaado badan oo mar walba ka shaqeeya nabadda. 

Dhanka kale laamaha amniga Puntland ayaa soo bandhigay natiijo baariseed laga sameeyay dilkii caaqil Cumar, waxaana ka mid ah xogta baarista lagu sheegay in uusan wax kayd ama gal dambi ah ka oolin Puntland, iyo in uu kaligiis ahaa marka la dilay.

Caaqil Cumar Cabdullaahi waxaa lagu dilay meel u dhow magaalada Badhan 13 Sebteembar 2025, waxaana dilkaas sheegtay Maraykanka. Saldhigga AFRICOM ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo basaasiin u jooga Soomaaliya ay ka caawiyeen dilka Cumar oo Maraykanku uu ku eedeeyey in uu hub sharcidarro ah u soo iibin jiray Al-Shabaab.

PUNTLAND POST