
Donald Trump, madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar iyo dowladnimada Soomaaliya.
Trump oo shalay ka hadlay goob isu soo bax ka dhacay ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ku tilmaamay ‘naag xun’ oo mar walba cabaysa. Wuxuu sheegay in ay ka timid dal lagu tiriyo midka ugu xun caalamka oo aan la ahayn militari, boolis iyo baarlamaan.
Madaxweyne Trump waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ‘koofiyad yar’, isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo. Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo xileedkiisii hore.
PUNTLAND POST