
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Awdal Maxamed Xasan Xoday, guddoomiyihii gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdeber), guddoomiyihii gobolka Saaxil Maxamed Daahir Gaafane iyo Haybe Cismaan Muuse oo ka mid ahaa guddiga tacliinta sare ee Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Awadal u magacaabay Cabdirashiid Xasan Mataan, halka uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag uu u magacaabay Maxamuud Raage Ibraahim.
Sidoo kale madaxweyne Cirro waxa uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil uu u magacaabay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland wuxuu Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) oo ahaa guddoomiyaha gobolka Saraar uu u baddelay guddoomiyaha gobolka Salal, halka Cabdi Siciid Faahiye Allaale oo ahaa guddoomiyihii gobolka Salal uu u magacaabay xubin ka tirsan guddiga tacliinta sare ee Somaliland.
Madaxweyne Cirro waxa uu sidoo kale Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Herer) uu ka dhigay guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh, halka Cabdiraxiin Muxummad Axmed oo ahaa guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh uu u baddelay guddoomiyaha gobolka Saraar.
PUNTLAND POST