
Ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Dhidigale ku qabtay xubin Daacish ka tirsan oo u dhashay dalka Tansaaniya.
Sidoo kale ciidamadu waxay dileen saddex xubnood oo u kala dhashay dalalka Morooko, Itoobiya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland oo la soo dhigay bartooda Facebook.
Howlgalka ayaa la sheegay in uu dhacay kaddib markii kooxda Daacish ay geel ka dhacday dadka reer guuraaga ah ee dagan deegaankaas. Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland wuxuu soo bandhigay meydadka xubnaha la dilay iyo xubinta la qabtay.
PUNTLAND POST