
Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ganacsade Jaamac Dhaga-dheere oo ka tirsan xisbiga Kaah ee hoggaamiyo madaxweyne Deni iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland ayaa jeediyay hadallo dood abuuray oo ku saabsan doorashada Puntland 2029.
Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere ayaa maalin ka hor munaasabad uu ku sugnaa madaxweyne Deni ka yiri “kuwa kuriga odayga raadinayow, anagu hadaan nahay reer Nugaaleed odayga waan daynay”.
Xildhibaan Sanyare oo hadalkaas ka falceliyay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “waxaan arkayay nin oday ah oo saaxiibkey ah oo leh, anaga reer Nugaaleed ah Siciid Deni, kursiga waa u daynay isagaa noogu fadhiyaya, waxaan leeyahay adeer 2029 waa sanadkii Qoodha, ee maydka culeyskiisa iska dhin”.
Dhanka kale hadalka xidhibaan Sanyare waxaa ka falceliyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo la baxay Barsan (Bari iyo Sanaag), kuwaas oo sheegay in aysan Mudug ka yeelayn wixii ay ka diideen Nugaal.
“Xildhibaan Sanyare wuxuu ku riyoonayaa 2029, in la riyoodo waxa ka horreysa in la seexdo, wixii aan shalay ka diidnay Nugaal, ka yeeli mayno Mudug” ayuu yiri xildhibaan Shiikh-aduunyo. Sidoo kale xildhibaan Suldaan Bashiir Aadan ayaa yiri “Barsan weli waa soo jeedaa, ma seexan”.
PUNTLAND POST