
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay ururada ka qaybgalaya doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha guddigaas Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda, halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Ururada siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayuu ku sheegay; Ramaas, Karaam, Towfiiq, Saab, Madalsan, Cadaaladda & Wadajirka, Horumar & Midnimo Qaran, Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Midnimada Shacabka, Qaranka Dimuquraadiga ah, Qiimo Qaran iyo Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in 25-ka bishan Diseembar ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
PUNTLAND POST