Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dadban uga hadlay hadalladii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku weeraray dowladnimada Soomaaliya iyo Soomaalida Minnesota.
Madaxweyne Deni oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in Soomaalida tagtay dalalka dibada ay aad u muuqdeen, hase ahaatee dalkooda oo aan wanaagsanayn awgeed aan cidna qaadanayn wanaagooda.
Wuxuu intaas ku daray in hadal haynta Soomaalida hadal hayo ay dhaanto in aan la aqoon. “In lagu sheegsheego faltigeeda baaba wanaaga, haddaaba lagu ogayn in aad jirto ayaa ka siiliidata” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni oo sii hadlaya ayaa yiri “haddaan fiicanahay dhulkeena waa in ay ka muuqataa, Soomaalidu waxay tiraahdaan ninkaad kabo u dhiibanaysid kabihiisa ayaa la fiiriyaa”.
Madaxweyne Trump ayaa dhawaan ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay dal dowlad la’aan ah oo uraya, halka uu Soomaalida Minnesota ku tilmaamay kuwa aan waxba soo kordhin oo uusan doonayn in ay sii joogaan dalka Maraykanka.
PUNTLAND POST