
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa baaq nabadeed ka diray xiisadda ka taagan gobolka Awdal ee la xiriirta xusta xeer Ciise.
Suldaan Siciid waxa uu nabad ugu baaqay beelaha xiisaddu u dhaxayso ee Samaroon iyo Ciise, isaga oo isimada iyo waxgaradka beelahaas kula taliyay in ay wax kasta ku xalliyaan wadahadal.
Suldaanka ayaa baaqa nabadeed uu soo saaray ku yiri “waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Boorame. Waxaan eebe uga baryayaa inuu marxuumintaas janada ka waraabiyo. Waxaan sidoo kale eebe ka baryayaa in uu u booga dhayo intii dhaawac ka soo gaadhey”.
“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee Samaroon iyo Ciise, nabad. Waxaan isimada, cuqaasha, guurtida, waayeelka iyo waxagaradka beelahaas ee nabada caanka ku ah ugu baaqayaa, inay wax kasta ku xaliyaan wada hadal, si dhiig aadane looga baaqsado Allaha weyna loogu dhowaado” ayuu raaciyay.
PUNTLAND POST