Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in uu joojiyay munaasabadda xuska xeer Ciise ee la qorsheynayay in ay ka dhacdo magaalo xeebeedka Seylac ee gobolka Awdal.
Madaxweyne Cirro ayaa go’aankan qaatay kaddib mudaharaadyo ilaa habeen hore ka socday magaalada Boorama, kuwaas oo ay sababtay go’aankii xukuumaddiisu khamiistii ku ogolaatay in bandhigga buugga xeer Ciise lagu qabto Seylac.
Xiisadda uu abuuray bandigga buugga xeer Ciise oo ah xeer dhaqameed muddo dheer jiray ayna aqoonsan tahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska, iyo dhaqanka (UNESCO) ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnayd magaalooyinka Boorama iyo Seylac, iyadoo xukuumadda Somaliland ay markii hore diiday bandhigaas.