Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa booqday deegaan Rad ee gobolka Sanaag oo ka mid ah meelaha uu gaaray mashruuca dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo, waxayna kulan la qaateen bulshada deegaankaas.

Kulanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo u horreeyaan xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda deegaanka, daaqa & Isbeddelka ximilada Puntland Ayuub Cali Axmed, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaan iyo qaybo ka mid ah bulshada deegaankaaas.

Xildhibaan Cabdicasiis Axmed ayaa sheegay in wadada –Ceerigaabo tahay laf-dhabarta horumarka gobolka, taas oo suurta-gelin doonta dhaq-dhaqaaq ganacsi, caafimaad iyo adeegyada muhiimka ah ee gobolka.

Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay, oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaan ayaa guddida mashruuca ku amaanay dadaalka ay u muujiyeen hirgelinta jidka Ceeldaahir–Ceerigaabo. Bulshada deegaanka Rad ayaa dhankooda ballanqaaday in ay si buuxda u garab-taagan yihiin mashaaruuca dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo.

PUNTLAND POST