
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay soo dhawaysay ardaydii ugu horreysay oo u dhalatay dalka Suudaan oo ay deeq waxbarasho siisay, kuwaas oo waxbarashadooda sare ku qaadan doona Jaamacadda Ummadda ee Muqdisho.
Sidoo kale wasaaradda waxbarashada Soomaaliya waxay tilmaantay in ay jiraan arday kale oo reer Suudaan ah oo dalka iman doonta todobaadyada soo socdo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tani ugu abaal gudayso dalka Suudaan oo deeq waxbarasho hore u siiyey kumanaan arday Soomaaliyeed ah.
Ardayda reer Suudaan waxaa shalay soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo safiirka dalka Suudaan u fadhiya Muqdisho Cabdiraxmaan Qaliil.
PUNTLAND POST