Dal Yurub ah oo si kumeelgaar ah u aqoonsaday baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa si kumeelgaar ah u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya oo la soo saaray sanadkii 2013.

Muddo laba sano ah ayaa dowladda Jarmalka oggolaaday in uu aqoonsigan shaqeeyo, taas oo ka billaamatay 1-dii Diseembar 2025, waxayna u muuqataa tijaabo, inkastoo aanay ku caddeyn warka rasmiga ah ee labada dowladood.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go’aanka dowladda Jarmalka oo kowdii bishan lagu daabacay wargeyska dowladda ee Bundesanzeiger.

Go’aankan kumeelgaarka ah ee Jarmalka wuxuu ogolaanayaa gelitaanka iyo deganaanshaha baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, kaas oo beddelaya xeerarkii hore oo keliya aqoonsanaa marka laga baxayo dalka.

PUNTLAND POST