Soomaaliya oo ka qeybgashay Bandhigga difaac Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo kale, ayaa ka qeyb galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025).

Bandhiggan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa ka dhacaya Xarunta Carwada Caalamiga ah ee Masar (EIEC) ee magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa si rasmi ah u daah-furay bandhigga, waxaana ka soo qeyb galaya wufuud ka kala socota in ka badan 100 dowladood, iyo in ka badan 450 shirkadood oo soo saara tignoolajiyad iyo qalab casri ah oo dhanka difaaca iyo amniga ah.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa inta uu socdo bandhiggu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb galaysa Bandhigga 4-aad ee Difaaca Masar.

PUNTLAND POST