Muxuu yahay rikoorka cusub oo ay gaartay dekedda Muqdisho?

Dekedda magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay bishii dhammaatay ee Nofeembar gaartay rikoorkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekeddaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dekedda Muqdisho ay bishii hore maamushay xamuul aan konteenaraysnayn oo gaaraya 160,703.96 metric tonnes, taas oo la tilmaamay in ay noqotay waxqabadkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda.

“Bishii Nofeembar, dekedda Muqdisho waxay dhigtay rikoor cusub, kaddib markii ay hal bil gudaheed maamushay xamuul aan konteenaraysnayn oo gaaraya 160,703.96 metric tonnes, taas oo noqotay waxqabadkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda.

Bishii Sebteembar ee sanadkan waxaa dekedaha Muqdisho iyo Berbera lagu daray dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo hay’ad xog-uruurin caalami ah.

PUNTLAND POST