
London (Wararka PP) — Kooxda xagjirka ah ee la magacbaxday Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), oo lagu jabiyay Ciraaq iyo Suuriya sannadkii 2019, ayaa haddana mar kale ku xoogeysanaysa Afrika. Dad badan waxay u maleeyeen in khatartu dhammaatay. Laakiin laamo cusub oo ISIS ah ayaa ka soo baxay meelaha ay dawladuhu awood-daran yihiin ama musuqmaasuqa badani ka jiro.

Faallo lagu qoray wargeyska The Times ayaa xustay hoggaamiyaha caalamiga ah ee kooxda waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Cabdulqaadir Muumin oo hore khadiib uga ahaa jiray magaalada Leicester ee dalka Biritayn. “Hadda waxa uu ku dhuumaalaysanayaa buuraha ku yaal Soomaaliya. Muumin wuxuu u taliyaa ku dhowaad 1,200 dagaalyahan, wuxuuna doonayaa inuu dhiso khilaafad cusub” ayay faalladdu ku doodday. Taageerayaashiisa waxaa ka mid ah dagaalyahanno xirfad leh oo adeegsan kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si sharcidarro ah looga keeno Yemen, sida uu soo wariyay Tom Ball, oo buuraha Cal Miskaad uga soo warramay wargeyska.

Tom Ball wuxuu qoray ISIS inay si degdeg ah ugu faafayso gobolka Saaxilka ee Afrika. “Dowlado badan oo gobolka ah ayaa burburay sababtoo ah may awoodaan inay joojiyaan weerarrada. Ciidamadii caalamiga ahaa, oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Qaramada Midoobay, ayaa ka baxay dalalkaas.
“Saboolnimo, shaqo la’aan, cunto-yari iyo isbeddelka cimilada ayaa u fududeynaya ISIS inay dalalkaas ka qorato xubno cusub” ayay faalladdu ku doodday.
© Puntland Post, 2025