Addis Ababa (Wararka PP) —Xog lagu wadaagay mareegta Ethio-Forum ayaa muujinaysa tirada ciidammada xoogagga difaaca Itoobiya. Xogta, oo aan la xaqiijinin, waxaa lagu tilmaamay in laga soo xaday Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya. Tirada talisyada iyo guutooyinka ayaa ku jirta xogta.
Suurtaggalnimada in xogtu ay tahay mid sugan ayaa aad u sarraysa marka la eego colaadaha dowladda Itoobiya kaga socda gobollada ay awoodda ku leeyihiin xoogagga iska caabbinta ee Amxaarada loo yaqaanno FANO iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF).

Cadaadisyadan badan oo saaran taliska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa loo malaynayaa inay sababeen hanjabaadda dowladda Itoobiya ku hayso Eritreeya. Abiy Ahmed waxay la tahay in dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritreeya uu ka caawinayo inay xoogagga ka soo horjeeda dowladdiisa ka sii jeestaan.
Jawar Maxamed, oo ah siyaasi Oromo ah, ayaa ku tilmaamay Abiy Ahmed inuu yahay cadawga nabad-ku-wada-noolaanshaha dadka Itoobiya, iyo Itoobiya iyo dalalka deriska la ah. Jawar Mohamed wuxuu si cad uga soo horjeestay heshiiskii is afgarard sharcidarrada ahaa ee badda ay Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen Janaayo 2024. “Waa heshiis is afgarad oo ka dhashay dulqaadyarida iyo ka fiirsasho la’aanta labada hoggaamiye [Abiy iuo Biixi] xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu fiicnaaday” ayuu Jawar u sheegay Addis Standard.
Ogaanshaha tirada ciidanka xoogagga difaaca Itoobiya waxay awood hawlgal siinaysaa FANO iyo OLF, sida uu sheegay wariye ku sugan Addis Ababa.
© Puntland Post, 2025