Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka dalbaday in ay si dhab ah u soo ogaadaan xaaladda iyo nolosha magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan ka hadlin arrimahaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacay Muqdisho ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ka been sheegaan is baddel dhanka amniga, horumarka iyo nolosha wanaagsan ah oo ka jira caasimadda Muqdisho, sida uu sheegay.
“Siyaasiyiinta waxaan leeyahay socda oo qurxada magaalada, amniga magaalada, nolosha fiican iyo wanaaga indhihiina ku soo arka. Intaad gurigaada iyo hotel Jazeera isku soo oodid, balaayo meeshaas haka soo faafine waxaad hubto sheeg” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku soo aaday, xilli xalay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in ay magaalada Muqdisho ka jirto mid la mid ah macaluushii dhacday 1992-dii (Caga Barar), islamarkaana ay jiraan dad maalin dhaaf wax u cuna, sida uu hadalka u dhigay.
PUNTLAND POST