
Ciidamada Puntland ayaa meel u dhow deegaanka Kob-dhexaad ee gobolka Bari ku qabtay madaxii hagista GPS-yada ee kooxda Daacish, kaas oo la sheegay in lagu magacaabo Cabdirixiin Ibnu Borosa oo u dhashay dalka Marooko.
Qoraal ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri “ciidanku waxay gacanta ku dhigeen madaxii hagista GPS-yada ee argagixisada Daacish, kaasi oo la qabtay isagoo firxad ah. Ninkan oo u dhashay dalka Moroco ayaa magaciisa ku sheegay Cabdirixiin Ibnu Borosa”.

Deegaanka lagu qabtay ninkan ayaa waxaa tagay wasiirka ganacsiga Puntland Axmed Shire oo ka soo jeeda deegaankaas.
Dhanka kale labo xubnood oo Soomaali ah oo ka tirsan ururka Daacish ayaa aroortii hore ee maanta isu soo dhiibay ciidamada Puntland ee sugan deegaanka Yalho ee degmada Boosaaso.
Qabashada iyo isa soo dhiibidda xubanaha Daacish ayaa imanaysa, xilli dagaallo cir iyo dhul ah ay maalmihii u dambeeyay ka socdeen togga Baallade, kuwaas oo dowladda Puntland ku sheegtay howlgalladii ugu dambeeyay oo lagu afjarayo kooxda Daacish.
PUNTLAND POST