Halkee maraysaa abaarta ka jirta Puntland?

Waxaa heer daran gaartay abaarta ka jirta deegaannada Puntland, waxaana laga soo dayrinayaa nolosha dadka reer guuraaga ah oo ay soo wajahday cunto la,aan iyo biyo la,aan.

Goboladda abaartu sida daran uga jirto dalka Soomaaliya waxaa ka mid ah Nugaal, Bari, Raascasayr, Sool iyo Sanaag, waxaana ku soo xerooday magaalooyinka qoysas ka badan boqolaal, kuwaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta Puntland.

Dadka soo gaaray magaalooyinka iyo tuulooyinka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Puntland Post inaanu jirin ilaa iyo hadda wax gurmad ah oo ka soo gaaray dowladda iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

PUNTLAND POST