
Dhaqamada kalitaliska ah ee ka hanaqaaday Puntland ma ahan kuwo iskusoo bandhiga rabshad iyo gacan kahadal weyn oo la arkikaro. Waxay isku muujiyaan qaab sheeko xariir ah, sida ka muuqata cidda ay u arkaan kuwo u qalma inay ka mid noqdaan xafiisyada, cidda u hadlaysa deegaanka, iyo cidda loo arko inay ku tahay khatar. Awoodda fulintu kuma koobna marinnada wasaaradaha iyo ciidamada amniga oo kali ah; waxay ku dhex jirtaa qeexidda guulwadaynta, wadajirka iyo xilka. Marka la qabsado xuduntaas fikradeed, go’doominta dadka dhaliila waxay isku rogayaan hab maamul oo caadi ah, halkii ay ahaan lahaayeen wax goonni ah.
Talaabada koowaad waa mid fikradeed. Dhaliilidda madaxtooyada, waxaa si buuxda loogu qeexaa inay tahay mucaaradnimo ka dhan ah Puntland. Marka ay odayaasha, suxufiyiinta, ama ganacsatadu su’aalo geliyaan go’aannada ku saabsan doorashooyinka, dakhliga, shaqo la’aanta dhalinyarada, ama xiriirka lala leeyahay jilayaasha dibedda ee ujeedooyinka khatarta ah wata, looma arko muwaadiniin ka doodaya ajende dadwayne. Waxaa loo bedelaa inay yihiin qas wadeyaal, waxaana lagu eedeeyaa inay wiiqayaan nabadda ayna Puntland ku martiqaadayaan gacmo shisheeye. Hoggaanku waxa uu iska weeciyaa doodihii loo soo jeediyey, wuxuuna bedelkeeda weerar ku qaadaa shakhsiyadda dadkaas, isaga oo dabagal ku sameeya ujeedooyinkooda iyo abtirsiintooda, sida in isha dooddu ka timid tahay caddayn ku filan oo lagu diidi karo.
Waxay ku tilmaamaan, inay u hadlayaan beelo xifaaltamaya, ama caasimado colaadeed, ma ahan aragti dadwayne oo balaaran. Luuqadda beelaha oo la rabay in masaaliixda dadwaynaha ay ka ilaaliso dhaca, ayaa loo weeciyaa in loo adeegsado sumcad dilka mucaaradadda. Su’aal gelinta siyaasadda waxaa loo ekeysiiyaa khiyaanada qaran.
Xakamaynta Mixwarka sheekada ayaa u rogtay qaabayntan mid caqli gal ah. Warbaahinta ku tiirsan dowladda si ay u helaan marin, maalgelin, ama ilaalin, waxay soo celcelisaa qoraallo midaysan oo madaxweynuhu ugu muuqdo xaajiga ugu danbeeya ee ka hortagga fowdada. Dadka wax dhaliila waxaa lagu sawiraa kuwo aan xilkas ahayn ama dibedda laga soo diray. Puntland lafteeda waxaa lagu tilmaamaa mid had iyo jeer u nugul burbur. Hay’adaha baara heshiisyada, ballan-qaadyada aan la fulin, ama xad-gudubyada dastuuriga ah ayaa si hoose loo xannibaa, shirarka jaraa’id, waxay waayaan xayeysiisyada, taageerada deeq-bixiyayaasha, ama waxay noqdaan bartilmaameedka weerarro baraha bulshada laga soo abaabulo. Taasi lama macno ahan aamusnaan, balse waa camirnaanta macluumaadka oo hal sheeko si joogto ah loogu celcelinayo ilaa heer ay sheekooyinka kale ku adkaato inay gebi ahaanba dareen helaan. Fagaarayaasha waxaa buux dhaafiyey sheekooyin khatar iyo samatabixin oo ciriiri gelinaya aragtiyaha kale. Xaalad ay weli xasuusta dagaalkii sokeeye iyo rabshadda beeluhu ay weli ku noolyihiin, dhagaystayaal badan ayaa u qaata fariimahaan kuwo muuqda taas oo ka dhigtay dhaliisha mid khatar ah.
Sheekada waxaa lagu taageeraa cadaadis maamul. kuwa ku adkaysta inay ka hor yimaadaan jidkaan, waxay la kulmaan ruqsado dib-u-dhac ah, baaritaanno adag, xiyiraadda mushaharka, ama dhibaatooyin sharci oo loo abuuro. Fal kasta yaraantiisu waxay gaarsiisan tahay in la dafiri karo, hadana waxay leedahay culays ku filan oo muujinaya in iska-caabbintu ay tahay mid qaalli ah. Nidaamyada ay ahayd inay bixiyaan adeegyo la isku hallayn karo, sida shatiyeynta iyo cashuuraha, ayaa si gaar ah loo adeegsadaa si loo ciqaabo shakhsiyaadka iyo ururada ku adkaysta la xisaabtanka. Sida caadiga ah sharcigu wuu sii jiraa, balse jahadiisa ayaa laga weeciyey. Halkii sharcigu uu xuquuqda muwaadinka ka ilaalin lahaa awoodaha xad-dhaafka ah, waxaa habraacyo sharci u eg loo isticmaalaa in lagu xoojiyo ku-tiirsanaanta siyaasadeed.

Awoodda dhaqaale ayaa xoojinaysa suuragalnimadan. Siyaasadda dhaqaalaha oo ay si guud qandaraasyada dowladda, mashaariicda gargaarka, iyo shaqooyinka amnigu ay weli yihiin isha fursadaha ugu muhiimsan, helintaankooda waxaa xakameeya u dhowaanshaha xayndaabka Madaxweynaha. Qoyskiisa iyo qaraabadooda, ayaa lagu naasnuujiyaa qandaraasyada, iyo heshiishyada kale. Kuwa taageera warbaahinta madaxa bannaan, ururrada rayidka, ama madalaha kale waxay arkayaan albaabo si aamusnaan ah u xirmaya. Qoysaska kale iyo bulshaduba waxay arkaan in haddii ay xitaa la aamusaan dhaliilaha ay qabaan, inay iyaduba ay dhibaato kale oo qiimo u gaar ah leedahay. Muddo kadib, nidaamkan wuxuu dadka ku abuuraa in hadalka naftooda ka xakameeyaan (self-censorship) iyo in ay is dhex kormeeraan (mutual surveillance). Dadku ma ka baqanayaan dowladda kali ah; waxay ka baqayaan cawaaqibka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhalanaya in loo arko mid ka baxsan xayndaabka guulwadaynta.
Mucaaradka waa la kala jebiyaa halkii si wadajir loo wajihi lahaa. Odayaal saamayn leh, isimmo, culimo, iyo aqoonyahan ayaa lagu daraa golayaasha talo-bixinta ama guddiyada, kuwaas oo marar dhif ah go’aan gaara laakiin muujiya muuqaalka wadatashiga. Joogitaankooda waxaa loo adeegsadaa caddeyn in qof walba la maqlo, balse go’aannada muhiimka ah waxaa ku harsan koox yar oo guulwadeyaal ah. Kuwa diida in la dhexgaliyo waa la go’doomiyaa, oo lagu shaabadeeyaa inay yihiin dad xanaaqsan, himilo gaar ah leh, dano shisheeye wada, ama dano qabiil gaar ah wata. Isbaheysiyada suurtagalka ah ee dib-u-habaynta hay’adaha waxaa loo kala jebiyaa shaqsiyaad la go’doomiyey iyo kooxo yaryar, oo mid walbana sahlan tahay in la iska indhatiro, la sumcad dilo, ama si fudud loo fogeeyo.
Baraha bulshada ayaa baahisa qaab-dhismeedkan. Taageerayaasha u dhow Madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa abaabula olole baraha bulshada ah oo lagu beegsado weriyayaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, culimada diinta, iyo dhaqdhaqaaqayaasha su’aalaha gelinaya heshiisyada xasaasiga ah, jadwalka doorashada, ama nidaamyada ammaanka. Asalka qabiilka iyo guulwadaynta ayaa loo adeegsadaa si dooddaa loo diido halkii jawaab looga bixin lahaa. Eedaymaha ayaa ka faafitaan badan xaqiiqooyinka. Dadku waxay arkaan in hal qoraal, sawir, ama faallo dhaleeceyn ah ay ku kicin karto mowjado aflagaado iyo dhaawac sumcad dila qoysaskooda. Xaaladaha noocaas ah, dad badan waxay ka fogaadaan doodaha dadweynaha mana aha sababtu inay ra’yigooda beddeleen, balse sababtu waa qiima ay ugu kacayso ka hadalka ra’yigooda oo ah mid aad u sarreeya.
Hannaanka Madaxweyne Deni uu arrimaha dibadda u wajaho waa mid shabahda kuwa hore. La dhicitaankiisa Khalifa Haftar ee Liibiya wuxuu ka dhashay kalsooni darro weyn oo ka haysa naftiisa, mana ahan istiraatiijiyad kalsooni ku dhisan. Haftar wuxuu soo bandhigaa hab siyaasadeed ku habboon madaxda aan ku kalsoonayn kala duwanaanshiyaha fikradaha siyaasadda (plural politics): Wuxuu isku dhisaa taliye xooggan oo ay ku hareereeysanyihiin ciidamo daacad ah, sida inay tahay difaac keliya ee u dhexeeya bulshada iyo rabshada. Habkaasi, nidaamka siyaasadeed waxa uu awoodda ugu aruuriyaa gacanta hal qof, dhiidhiga waxaa loo arkaa fowdo. Hogaamiye ka cabsada gorgortanka iyo xaddidaadaha hay’adaha, tani waxay ula muuqataa hubanti la’aan.
Xaqiiqada Liibiya waa mid aan rajo lahayn. Kala dambaynta muuqata ee Haftar waxa ay ku dhisantahay isku-darka maleeshiyaad hubeysan, lacag shisheeye, iyo kiraysiga calooshood u shaqaystayaasha (mercenaries). Maamulka dhabta ah waa daciif; cadaadisku waa mid xoog badan. Awoodda siyaasadeed waxay ku tiirsan tahay isku dheelitirka cabsi iyo ku tiirsanaan, mana ku qotonto dhisidda hay’ado madax-bannaan. Tusaalahan qaadashadiisu waxay is dhex gelinaysaa muquuninta iyo kartida, u hoggaansanaanta kumeelgaarka ah iyo sharciyadda (legitimacy).
Saameynta tusaalahani waa mid kasoo ifbaxaysa Puntland. Qaab-dhismeedka ilaalada madaxweynaha, abuurista unugyo militeri ah oo ay taageerto UAE, ku koobidda ilaha dakhliga ugu muhiimsan ee Madaxtooyada, iyo ku tiirsanaanta ciidamo u gaar ah madaxwaynaha Puntland, dhamaantood waxay caddaynayaan in loo-hayaamayo maamul ku salaysan shabakado isku xiran iyo lacag, halkii laraaci lahaa xeerar aan shakhsiyeysnayn. Isbeddelladan waxaa loo soo bandhigaa inay yihiin tallaabooyin farsamo oo dhinaca dib-u-habeynta iyo xasilloonida ah, balse ujeedadooda dhabta ah waa in ay ballaariso awoodda go’aan qaadashada madaxweynaha isla markaasna wiiqaan fursadaha ay ku hawlgeli karaan mucaaradka, falanqeeyayaasha iyo hay’adaha madaxa-bannaan. Baaqyada isla xisaabtanka waxaa loo beddelayaa dadaallo lagu kala qeybiyo fadhiyada, codsiyada ku saabsan xuduudaha dastuuriga ah lagu qeexaa inay nafis siinayaan cadowga Puntland. Ku sharraxidda ismaandhaafka oraahyadaan qallafsan, dooddu waxay ka baxdaa muuqaalka siyaasadda caadiga ah balse waa hanjabaad ku wajahan badbaadada, kadibna sheekadan ayaa loo adeegsadaa in lagu bannaysto falal kale oo hadii kale loo arki lahaa inay yihiin xadgudub.
kalsooni-darradan waxay xoojinaysaa xulafaysiga taageerayaasha shisheeye ee ka doordbida shuraakada daacadda ah taageeridda hay’adaha madaxabannaan. Ku tiirsanaanta jilayaasha sida Imaaraadka Carabta, iyo ku qanacsanaanta hab-maamulka hogaamiyaha hubaysan ee Haftar waxay ku salaysanyihiin fikrad isku mid ah: In ay noqoto wax la aqbali karo in horumarka hay’adaha iyo madax-bannaanida lagu beddesho taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo muddo-gaaban ah, ilaa inta ku siihaynta awoooddu damaanad qaad helayso. Taasi waxay mustaqbalka fog wiiqaysaa booska istiraatiijiyadeed ee Puntland, waxayna shiiqineysaa aragtida siyaasadeed (political horizon) ilaa muddo xileedka iyo hamiga hal hogaamiye oo keli ah gacanta ku dhigo.
Si kastaba ha ahaatee, taariikhda Puntland ee gaar ahaaneed waxay kuu tilmaamaysaa jiho kale. Guusheeda gaar ahaaneed ee Soomaaliya dhexdeeda ma aysan ka dhalan hal qof oo xooggan. Waxay ka timid heshiisyo la dhex dhigay beelaha, dhisidda awoodda maamul si tartiib-tartiib ah, iyo fahamka la wadaago oo ah in hay’adaha ammaanka ay bulshada u adeegi doonaan halkii ay xakamayn lahaayeen. Nidaamka siyaasadeed wuxuu ku tiirsanaa ogolaansho, ma aha oo kaliya cabsi gelin. In lagu daydo Haftar, ama tusaale kale oo la mid ah, waa shaqo ka soo horjeedda aasaaska u suurta geliyey Puntland inay shaqeyso xilliyo badan oo Soomaaliya aysan shaqeyn.
Qabsashada hay’adaha ayaa dhamaystiraysa jihada hadda loosocdo. Maxkamadaha, guddiyada doorashada, iyo goleyaasha kale ee gobolada si tartiib tartiib ah ayaa loo buuxiyaa iyadoo lagu xulanayo guulwadaynta halkii lagu saleyn lahaa kartida ama madax-bannaani. Kala-sooca u dhexeeya dowladda iyo xukuumadda ayaa daciifa. Xeerarku waxay ku jiraan kaliya warqadda, laakiin hirgelintooda waxay noqotaa mid aan sinnayn oo shuruudo ku xiran. Musharixiinta mucaaradku waxay la kulmaan caqabado farsamaysan iyo habraacyada oo labeddelo, halka saaxiibada ay la kulmaan isla qaab-habraacaas oo si dabacsan ula jaanqaada. Takooridda waxaa lagu sameeyaa marinada rasmiga ah, taasoo ka dhigaysa mid adag in la tartamo, fududaynaytsana in la diido. Marka ay isbiirsato ciqaabtaasi, saamaynteedu kuma koobnaanayso hay’adaha; waxay wax ka bedeshaa go’aan-qaadashada shakhsiga ah. Wariyeyaasha, shaqaalaha rayidka ah, iyo muwaadiniinta caadiga ah waxay ku baraarugaan ka hortagga dhibaatada suurtogalka ah ee kaga imankarta xukunka ama waxa ay la kulmi karaan, joojinta wadahadallada iyo xiriirada laga yaabo inay ku kiciyaan dabagal, taas oo si tartiib tartiib ah u wiiqaysa rajada ah in siyaasaddu noqoto wadiiqo isbedel dhab ah keeni karta, halkii ay ahaan lahayd heeryo loo adkaysto. Qaar ayaa fisha xabsi; qaar badanna waxay fishaan takoorid haddii ay ka gudbaan xarriiq aan muuqan. Su’aal ka keennidda aragtidan Madaxweyne Deni waxay halis kugu gelinaysaa ku shaabadaynta cadowga reerka ama Puntland lafteeda. Shaabaddaan waxay qofkasta u raaci kartaa hay’adaha iyo fursadaha uu doonayo. Sidaas owgeed, qabiilka, oo sooyaal ahaan gabbaad dadka uga ahaa dulmiga maamullada, wuxuu xakame u noqdaa in lagu dirqiyo u hoggaansanaantooda.
Marka laga eego dhinacan, u bogidda shakhsiyaadka sida Haftar waxay ka hoosaysaa kartida, balse waa qiraal kalsoonidarro. Waxay kashifaysaa hogaan aan aaminin hay’adaha, xeerarka la wadaago, ama xitaa in waxqabadkiisu awood yeesho. Waa muuqaalka hogaamiye adeecidda u ekaysiinaya midnimada, aamusintana u ekaysiinaya xasiloonida. Puntland, sikastaba ha ahaatee, waxaa loo aasaasay in lagaga gudbo hubanti la’aantaas. Jiritaankeedu waxa uu ku xiranyahay adkaynta nidaam siyaasadeed kaasoo awoodda uu xakameeyo sharcigu, lagu dheellitiro dhinacyada (Checks and Balances) laguna cusbooneysiiyo habraacyo lagu kalsoon yahay.
Tani waa sababta kala sooca u dhexeeya Puntland iyo hogaamiye kasta uu ka duwan yahay hal-ku-dhig. Puntland ma aha Deni, mana aha madaxweynenimo kasta. Puntland, marka ay ugu fiican tahay, waxaa lagu soo bandhigaa shaqada maalinlaha ah ee hay’adaha, heshiisyada isku xira bulshooyinkeeda, iyo caadada ah in khilaafaadka lagu xalliyo xeerar halkii laga raaci lahaa rabitaanka shaqsi ee madaxweynaha. Xaaladdaas, weydiimaha madaxweyne, doorashada siyaasadeed, ama iskaashiga caalamiga ah ma aha weerar lagu qaaday Puntland balse waa qaadidda mas’uuliyadda mashruuc siyaasadeed oo waara.
Awoodda dhabta ah ee Puntland kama iman doonto ku dayashada jeneraalada shisheeye ama aamusiinta doodaha gudaha. Waxay ka iman doontaa ku maamulidda siyaabo ka dhigaya khasabka mid aan loo baahnayn: sharciyo la saadaalin karo, hufnaanta maamulka kheyraadka, xirfadlayaasha amniga oo ku shaqeeya waajibaad cad, iyo tartanka siyaasadeed oo loo maro xeerar qof walba u arko in ay sharci yihiin. Talaabo kasta oo loo qaado isku-dayga saameynta sheekooyinka iyo khasabka shakhsiga oo kordhin karta muddada hogaamiyaha, waxay ciriirinaysaa mustaqbalka siyaasadda. Xujada hortaaalla waxgaradka iyo muwaadiniinta Puntland waa inay ku adkeystaan in jiritaanka gobolku uu ku taagan yahay hay’adaha iyo waxqabadka, ee uusan ku xirnayn walaaca kuwa ku meel gaarka u haysta xilka.
Cabdisaciid Muuse Cali
Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Amniga ee Lomé, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo La taliyihii hore ee Amniga qaranka. X account @4rukun