
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran oo dhawaan laga diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka.
Maxamed Mursal oo bayaan kooban soo saaray ayaa tilmaamay in go’aankiisu yahay mid uu ku doonayo madaxbannaani buuxda oo ku aaddan aragtidiisa siyaasadeed.
Mursal oo ka mid ahaa xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska la galay Villa Somalia ayaa dhawaan maamulka Koonfurta Galbeed u diiday in uu tago magaalada Baydhabo.
Go’aanka Mursal ee hadda ayaa imanaya, xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo ololeyaal cusub oo ka jira gudaha dalka, iyadoo siyaasiyiin badan ay dib u qaabayn ku sameynayaan mowqifyadooda hore.

PUNTLAND POST