
Garsooraha Soomaaliga ah ee kubadda cagta Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa ku guuleystay abaalmarinta garsooraha sanadka 2025 ugu wanaagsan qaaradda Afrika, waxaana billadaas guddoonsiiyay xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF).
Cumar Cartan ayaa noqday Soomaaligii u horreeyay ee ku guuleystay abaalmarintan, waxayna ka tarjumeysaa xirfadeediisa iyo ixtiraamka uu ka heysto garoomada Afrika.
Garsoore Cumar Cartan ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhexdhexaadinayay qaar ka mid ah kulamada ugu adag ee qaaradda Afrika, isagoo garsoornimadiisa si weyn loo amaanay.
Garsoore Cumar wuxuu 1992 ku dhacay magaalada Muqdisho, isagoo xirfadiisa ka soo bilaabay horyaalka Soomaaliya ka hor inta uusan gaarin heer caalami. Wuxuu garsoore FIFA ah noqday sanadkii 2018.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay guusha Camar Cartan ayaa sheegay in uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyeeyay guusha uu soo hooyay garsoore Cumar Cartan.
PUNTLAND POST