Shirkadda MAERSK oo Soomaaliya ku dartay dalalka ECTN ka shaqayso

Shirkadda MAERK ayaa shaacisay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka isticmaala habka ECTN.

Muqdisho (Wararka PP) — Kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya qaadatay habka tixraac soo gudbinta xamuulka saaran markab imanaya Soomaaliya, shirkadda MAERK ayaa shaacisay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka ku waajibinaya maraakiibta inay wargeliyaan hay’adaha maamulka dekedaha Soomaaliya.

Xogta Dowladda Federaalka Soomaaliya lala wadaagayo waxaa ka mid ah shirkadda   badeecada diraysa, shirkadda loo dirayo, nooca iyo sicirka badeecada la dirayo. Habka ECTN wuxuu leeyahay dhowr faa’iido sida habsami u socodsiinta habka canshuurqaadista, amniga iyo kor kala socoshada markabka, u hoggaansanka xeernidaamyada iyo ka hortagga canshuur-bixin la’aanta.

Shirkadaha maraakiibta alaabta keenaya Soomaaliya waxay si toos ah canshuurta alaabta la soo dhoofinayo u soo shubi doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Weli la islama meeldhigin sida Dowladda Federaalka iyo maamul federaaleedyadu  u qaybsanayaan canshuurta ka soo xeroon doonta alaabta laga soo dejiyo dekedaha Soomaaliya.

© Puntland Post, 2025