DFS oo sheegtay in ay soo furatay 30 qof oo Al-shabaab haysatay

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay xalay howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Buula Madiina oo hoostaga  degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ku guuleysteen in ay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo Al-shabaab ku haysteen afduub.

Howgalka ayaa sidoo kale la tilmaamay in lagu burburiyay xabsi iyo maxkamad ay halkaas ku lahaayeen kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST