Wasiirro ka tirsan Puntland oo safar dhanka cirka ah ku tagay Dhaadaar

Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax ayna waheliyaan wasiir dowlaha madaxtooyada Cabdifitaax Maxamed Nuur iyo wasiir ku-xigeenka gargaarka Axmed Siciid Qaloombi ayaa shalay safar dhanka cirka ah ku tagay tuulada Dhaadaar oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo 25kii bishii Febraayo lagala wareegay kooxda Daacish.

Safarka wafdiga ayaa darnaa dhiiragalinta ciidanka difaaca Puntland ee halkaas ku sugan, u kuurgalid xaalada guud ee deegaanada la xoreeyey Daacish iyo xog waraysi dadka deegaanka ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Wafdiga waxay halkaas kula kulmeen wasiirka amniga Puntland Xaaji Bakiin, gudoomiyaha degmada Qandala, saraakiisha ciidamada, odayaasha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada ku nool Deegaanka Dhadaar.

Deegaanka Dhaadaar oo ku yaalla buuraleyda Calmiskaad ayaa waxaa ku soo noqday dadkii deegaanka oo hore uga cararay, waxaana halkaas ka bilowday adeegyadii asaasiga ahaa.

PUNTLAND POST