Puntland: Miisaaniyadda dowladda oo la sheegay in ay korortay

Golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta oo talaado ah shir ay yeesheen ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026-ka, taas oo dhan $315, 783, 344.

Miisaaniyadda waxay korortay 16%, marka loo eego midii sanadka 2025, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka golaha wasiirada Puntland.

“Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo todobaadkan la soo horumariyay, kaasi oo looga hadlay amniga guud iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026” ayaa bayaanka lagu yiri.

“Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, taasi oo dhan $315, 783, 344. Miisaaniyadda sanadka waxay korortay 16%” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST