Howlgallo ka socda Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa maalintii saddexdaad oo xiriir ah howlgallo xoogan ka wada togga Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo laga sifaynayo haraadiga Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa maanta howlgallo xoogan ka wada ceelasha Maraagane iyo Barakallaah oo ku yaalla togga Baallade, halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Howlgallada oo cir iyo dhul isugu jira ayaa wararku sheegayaan in ay guulo ka gaareen ciidaamada Puntland.

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa 15 bishan Nofeembar sheegay in ay qaadayaan howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu sifeynayo argagagxisada Daacish.

PUNTLAND POST