Maxay yihiin qodobada ay soo saartay Beesha Cali Saleebaan?

Haldoorka Beesha Cali Saleebaan ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlay dagaalka Calmiskaad, qaab dhismeedka Puntland, khilaafka federaalka & Puntland iyo arrmo kale.

Beesha Cali Saleebaan ayaa ku baaqday in aan la siyaasadeyn howlgalka Calmiskaad oo aan lagu dhawaaqin guul aan waqtigeeda la gaarin, si bay dhaheen aan baylah loogu noqon khatarta argagixisada.

Sidoo kale Beesha Cali Saleebaan ayaa ku baaqday in dib-u-eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka dowladnimo ee Puntland, arrintaas oo ay hore u soo jeediyeen qaar ka mid ah isimada Puntland.

Beesha ayaa ugu baaqday Puntland in ay soo ceshato kaalinteedii hormuudnimo ee dowlad dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaliyeed.

Beeshu waxay taageertay dhismaha wadada Dhaadaar iyo Boosaaso, waxayna go’aamisay in la dhiso sanduuqa horumarinta Calmiskaad.

Hoos ka eeg war-saxaafadeedka iyo sawirro

PUNTLAND POST