Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la sheegay in dadka laga tahriibiyo

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka laga tahriibiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Cabdiraxmaan oo shalay galinkii dambe saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa yari “wax yaabaha aan ka xishoono in aan sheegno waxaa ka mid ah: garoonka diyaaradaha dadkaa laga tahriibiyaa”.

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dad la xiro oo lacago laga qaato “meeshaan dadkaa laga dhoofiyaa, iska dhaaf dad la hakiyee, weliba inta la xiro baa lacag laga qaataa”.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku soo aaday, xilli in dhawaale ay xadgudubyo is daba joog ah ka dhacayeen garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo lagula kacayay dad Soomaaliyeed oo safar ah.

Shirkadda Turkiga ah (Favori) ee maamusha garoonka ayaa lagu eedeeyaa in ay xadgudubyo badan sameyso, taas oo aan weli dowladdu wax tallaabo ah ka qaadin.

PUNTLAND POST