DFS oo soo saartay dacwad ka dhan maareeyaha Turkish Airline ee Muqdisho

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo dacwad ka dhan ah Turhan Kenmen oo ku magacaaban maareeyaha xaafiiska Turkish Airline ee Muqdisho.

Turhan Kenmen, ayaa ku eedeysan in uu muwaadin Soomaaliyeed oo safar ah, laguna magacaabo Cabdifataax Axmed Xuseen uu si ulakac ah oga reebay diyaarada Turkish Airlines.

Xaafiiska ayaa sheegay in uu baaritaan ku wado kiiskan marka la soo gabagabeeyana la qaadi doono tallaabada sharci ee ku haboon.

Ninkan Turkiga ah ayaa maalmahan baraha bulshada qabsaday, iyadoo rakaab badan oo Soomaali ah dacwo ka yihiin hab dhaqankiisa.

PUNTLAND POST