
Maamulka Waqooyi Bari ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in la safriyo dadka da’doodu ka yar tahay 30-ka sano, kaddib markii la ogaaday in safarro badan oo looga ambabaxo magaalada Laascaanood ay ku lug yeesheen tahriib.
Warqad ka baxday wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo dib-u-dhiska maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Cabdi Warsame ayaa shirkadaha duuliyaadyada lagu faray in ay reeban tahay tigidhada laga soo jaro meelaha ka baxsan Laascaanood ee ay wataan dadka da’doodu ka yar tahay 30-ka sano.
Sidoo kale shirkadaha duulimaadyada ayaa la faray in aan Laascaanood tigidho looga jari karin dadka da’doodu ka yar tahay 30-sano oo aan waalidkood la socon ama aysan xaqiijin hay’adaha amniga.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in cidkasta oo jabisa amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah, loona aqoonsan doono in ay ka mid tahay ururka magefeyaasha.

PUNTLAND POST