
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa ka hadlay ujeedka uu u magacaabay Guddiga Nabadda iyo Wadaxaajoodka, kaas oo hadal hayn badan dhaliyay.
Madaxweyne Firdhiye ayaa ujeedka guddiga loo magacaabay ku sheegay “in la helo waddo kasta oo suurtagelinaysa nabad ay helaan reer Waqooyi Bari”.
Wuxuu xusay in magacaabista guddiga aysan ka dhignayn in laga noqonayo mabaadii’da maamulka Waqooyi Bari iyo in maxaabiista Somaliland lagu baddelanayo nabad.
Madaxweyne Firdhiye ayaa hadalkan maanta ka hor jeediyay baarlamaanka maamulkiisa oo uu horgeeyay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 36 xubnood, kuwaas oo helay codka kalsoonida.
Hoos ka daawo hadalka Firdhiye
PUNTLAND POST