
Garoowe (Faallo) — Marka la qoro taariikhda siyaasadda ee Puntland, Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni wuxuu noqon doonaa hoggaamiye taarikhyahannadu ku kala qeybsamaan saamaynta muddo xileedyadiisii. Koox waxay ku doodi doontaa in Madaxwyne Deni uu ku soo beegmay xilli maamul-xumadii Puntland ee talisyo kala dambeeyay ay saamayntoodii sii badatay markii isagu uu noqday Madaxweynaha Puntland sanadkii 2019kii. Waxay ka sii dartay markii dib loo doortay sanadkii 2024kii. Kooxdan taariikhyahannada ah waxay Deni ku tilmaami doonaan hoggaamiye ay soo foodsaareen duruufo uu dhaxlay laakiin uu garan waayay sida uu u maarayn karo.
Kooxda labaad ee taariikhyahannadu waxay ku doodi doonaan in Madaxwyne Deni uu leeyahay fahan aad u kooban oo ku saabsan taariikhda siyaasadda Soomaaliya iyo xitaa sida beelaha Puntland ku midoobay 1998kii u dhisan yihiin. Inuu 2022kii u tartamay inuu noqdo Madaxweyaha Soomaaliya xilli Puntland dhulkeeda in badan oo ka mid ah uu gacanta ugu jiray goosasho-doonka maamulka Somaliland iyo kooxda Daacish. Intaas waxaa dheer in kooxdan taariikhyahannada ahi ku doodi kari doonto in Deni uu garan la’ yahay saamayntii dagaalkii Laascaanood ee 2023 oo si lama-filaan ah u burburiyay isbahaysi siyaasadeed seddex xagal ahaa (Muqdisho-Hargeysa-Jabuuti). Wuxuu kale oo Deni fahmi waayay awoodda Dowladde Federaalka Soomaaliya markii uu 2023 xiriirka u jaray halkaasna uu ku waayay kabkii miisaaniyadda iyo xuquuqo kale oo horumarineed ay Puntland leedahay.
Madaxweyne Deni wuxuu sii arki waayay in Puntland kala furfurmayso haddii uu habka siyaasadda uu wax ka beddelis aan la isku raacsanayn ku sameeyo. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuu garwaaqsaday in isaga oo ay gacanta ugu jirto awood aan lagula xisaabtami karin uu isku dayay inuu hab xisbiyo ku salaysan ka hirgeliyo Puntland 2013kii. Dadka Puntland waxay hindisihii Faroole u arkeen inuu hirgelinayo barnaamij ka sii xun hab hal xisbi oo dal lagu xukumo. Hoggaamiye aan khasnadda dowladda lagula xisaabami karin iyo jiris la’aanta hantidhowr madaxbannaan wuxuu iibsan karaa xisbiyada. Madaxweyne Deni dib uma eegin taariikhda Puntland markii uu 2023 ku dhaqaaqay inuu wax ka beddelo dastuurka Puntland si habka siyaasadda ee Puntland ugu xuubsiibto mid ku dhisan xisbiyo.
Dhinaca kale Puntland qaddarin kama dheefin dagaalka ay la gashay kooxda Daacish waayo Puntland waxay bannaanka ka taagan tahay habka nabadaynta Soomaaliya. Puntland waxay ka mid tahay Dowladahaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalka Soomaaliya laakiin Puntland ciidankeedu ma helo taageero la mid ah tan ay Beesha Caalamku siiso Xoogga Dalka Soomaaliya.
Wax qarsoon ma aha in ciidammada Puntland ay hab kala madaxbannaan u dhisan yihiin sababtoo ah waxaa jira ciidammo la dhisay intii u dhexeysay 2002dii iyo 2013kii oo ka madaxbannaan Dastuurka Puntland. Habkan wuxuu sababay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidammo ku dhex yeelatay Puntland.
Qofka Madaxweyne Puntland ka noqda iskuma helayo awood siyaasadeed oo aan xad lahayn iyo awood dhaqaale urursi oo aan xad lahayn. Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Gaas waxay fahansanaayeen mabda’an. Madaxweyne Deni muu fahansana.
© Puntland Post, 2025