
Wasaaradda caddaaladda, dastuurka, arrimaha diinta iyo dhaqancelinta ee Puntland ayaa baarlamaanka horkeentay wax ka baddel lagu sameeyay xeerka xabsiyada Puntland, kaas oo qodob ka mid ah uu dhigayo in aan la xiri karin qof ka yar 18 sano, taas oo loola jeedo in lagu qaangaaro da’daas.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku dooday in xeerkan uu ka soo horjeedo shareecada Islaamka iyo dastuurka Puntland, kuwaas oo sheegaya in lagu qaangaaro 15 sano.
Balse wasiirka Caddaaladda Maxamed Cabdiwahaab oo difaacayay xeerkan ayaa sheegay in aysan jirin ‘aayad iyo xadiis’ sheegaya in lagu qaangaaro 15 sano, sidaas darteed da’da lagu qaangaaro ay tahay mas’alo la isku khilaafsan yahay.
“Diinta Islaamku meel ay si cad ugu sheegtay da’da qofku ku qaangaaro ma jirto, xildhibaankii ku haya aayad quraan ah ama xadiis nabi Maxamed isagaa laga rabaa in uu sheego. Da’da lagu qaangaaro waa mas’alo fiqi ah oo culumadu ku kala aragti duwan tahay” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdiwahaab.
Arrintan ayaa dood badan ka dhalisay baraha bulshada, waxaana dadka qaarkiis ku eedeeyeen wasiirka cadaaladda in doodiisu tahay mid si cad uga hor-imanaysa shareecada Islaamka iyo dastuurka Puntland.
PUNTLAND POST