
Toban siyaasi oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ku midoobay in uu musharax madaxweyne u noqdo Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Siyaasiyiinta oo ahaa madaxda ururo, xisbiyo iyo madallo siyaasadeed ayaa ku midoobay xisbi siyaasadeed loogu magac daray Midowga Haybad Qaran, kaas oo uu musharax madaxweyne u yahay Saacid.
Siyaasiyiinta ayaa kala ah, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdirisaaq Khaliif Amxed, Guuleed Saalax Barre, Faarax Cali Shire, Cabdi Aadan Hoosoow, Dr Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale), Taabid Cabdi Maxamed iyo Ducaale Aadan Maxamed.


PUNTLAND POST