
Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in aan deegaannadooda lagu soo geli karin dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-visa) ee ay bixiso dawladda federaalka Soomaaliya.
Puntand iyo Somaliland waxay tilmaameen in dadka soo galaya deegaannadooda ay dal-ku-galka ka qaadan karaan garoomada diyaaradaha (On Arrival).
Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Cabdullaahi Bile Nuur ayaa maanta sheegay in ay dal-ku-galka ku bixinayaan garoomada diyaaradaha, isla markaana go’aanka dowladda federaalka ee E-vsa uusan ka shaqaynayn deegaannadooda.
“Anagu haddaan nahay Puntland dadku waxay fiisaha qaadanayaan markay garoomada yimaadaan (On Arrival), arrinta E-visa wax jira maahan, waa arrin dadka dusha laga saaray, waxaana kula talinaynaa dowladda Soomaaliya in ay ka noqoto go,aankaas” ayuu yiri Wasiirka Cabdullahi Bile.
Sidoo kale ciidanka socdaalka iyo ilaalada xuduudaha Somaliland ayaa qoraal ay shalay soo saareen ku sheegay in aan dal-ku-galka ay bixiso dowladda Soomaaliya lagu soo geli karin gudaha Somaliland, dadka u soo safraya Somaliland na ay ka qaadan karaan fiisaha garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera.
Dadka u safra Puntland iyo Somaliland ayaa hadda dal-ku-galka looga qaadaa labo lacagood, mid ay ka qaado dowladda federaalka iyo mid ay ka qaadaan maamullada Somaliland iyo Puntland.

PUNTLAND POST