Dhacdooyin argagax leh oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dad hubaysan ayaa maanta dab qabad siiyay tuulada Gareeri oo hoos timaada degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay, iyadoo ay jiran sido kale dhimasho iyo dhaawac kale oo u dhaxeeya dadka ku dagaalamaya deegaankaas.

Dhacdadan ayaa daba socota fal kale oo argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Dudumay ee duleedka degmada Wanlaweyn, kaddib markii nolosha lagu hubay nin dhimirka ka xanuunsan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dhacdooyinka foosha xun ee ka socda deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

PUNTLAND POST