
Waxaa maanta magaaalada Boosaaso aas loogu sameeyay Gaashaanle Cabdisalaan Mustafe Cabdullaahi oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Puntland, kaas oo ku dhintay howlgalka Calmiskaad.
Gaashaanle Cabdislaan ayaa shalay u dhintay dhaawac khamiistii ka soo gaaray qarax miino oo gaari ciidan kula kacay wadada cusub ee Boosaaso iyo Dhaadaar, weerarkaas oo sidoo kale ay ku dhinteen dhowr askari.
Gaashaanle Cabdislaan ayaa ahaa taliyaha ururka 21-aad ee ciidan daraawiishta Puntland, kuwaas oo markii hore fadhigoodu ahaa degmada Buraan ee gobolka Hayland.
Aaska marxuumka ee magaalada Boosaaso waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan dowladda Puntland.











PUNTLAND POST