
Ciidanka Danab ee hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jamaac Takar oo ay hadda taageerto dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhoola-tus ciidan ku soo bandhigay taliska Ligle oo yaalla cirifka koonfureed ee caasimadda Garowe.
Dhoolatuska ciidankan ayaa ku soo aaday, iyadoo dowladda federaalka iyo Puntland ay maamlmihii la soo dhaafay hadallo xanaf leh isu marinayeen warbaahinta, sidoo kale wuxuu yimid xilli go’aano amni laga soo saaray magaaalada Garowe, kaddib markii ciidan cusub oo boolis ah lagu wareejiyay ammaanka caasimadda.
Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in ciidamo ka amar qaata ay ku sugan yihiin deegaannada Puntland, balse dowladda Puntland arrintaas waa dafirtay, waxayna tilmaantay in aysan jirin ciidan federaalka ka amar qaata oo ku sugan deegaannadeeda.
Ciidamada Danab iyo PSF oo labadaba hadda ay taageerto dowladda federaalka ayaa hore iyaga iyo dowladda dagaallo ugu dhexmareen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo sababay khaasare badan oo isugu jira naf iyo maal.











PUNTLAND POST