Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubay markab shidaal

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal siday oo shirkad Giriiga leedahay, sida ay baahisay wakaaladda warar ee AP.

Markabka oo ku gooshayay calanka Malta ayaa ka soo safray dekedda Sikka ee dalka Hindiya, isagoo u socday magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika, waxaana saaran 24 shaqaale ah.

Markabka oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite ayaa xilligii afduubay marayay meel qiyaastaii 560 meyl u jirta xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya, waxaana kooxda afduubtay adeegsatay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan.

PUNTLAND POST