Somaliland oo soo saartay amar cusub oo la xiriira duullimaadyada

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan hawadeeda soo geli karin diyaaradaha aan oggolaansho iyo fasax ka haysan wasaaradeeda duulista hawada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay baxay wasaaradda duulista iyo horumarinta madaarrada Somaliland ayaa lagu sheegay in duullimaad kasta oo soo gala hawadeeda oggolaansho la’aan ay ka qaadayso tallaabo.

“Duullimaad kasta oo oggolaansho la’aan soo gala hawada Somaliland waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai oo la sheegay in ay Hargeysa keentay rakaab aan haysan fiisaha elektaroonigga ah, kaasi oo looga baahan yahay dadka u safraya Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa warqad ay soo saartay waxay ugu goodisay Flydubai, in haddii ay u hoggaasami waydo amarka dowladda laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, oo ay ka mid yihiin ganaax lacageed, joojinta duulimaadyada shirkadda ee Hargeysa, ama dib u eegis lagu sameeyo ogolaanshaha shirkadda ee isticmaalka hawada Soomaaliya.

PUNTLAND POST