Isu soo baxyo roob doon ah oo lagu qabtay magaalooyinka Puntland

Waxaa maanta qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu qabtay isu soo baxyo roob doon ah oo alle looga baryay inuu umaddiisa ka dulqaado abaaraha laga soo sheegayo qaar ka mid ah dhulka reer guuraaga.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa shacabka Garowe kala qaygalay isu soo baxa roob doonta oo ka dhacay garoonka Mire Awaare, halkaas oo alle lagu baryay laguna tukaday labo rakcadood oo sunno ah.

Culimadii goobta ku sugnaa ayaa salaadda kaddib jeediyay kalmado ka hadlaya in mar kasta alle la baryo oo la xasuusto isla markasna loo gargaaro qoysaska abaartu saameysay.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka qaybgalay roob doonta ayaa alle ka baryay inuu dadkiisa dhibka ka dul-qaado waxa uuna sheegay inay tahay mid uu rabigeen nagu eegayo balse loo baahan yahay in la isku naxariisto.

PUNTLAND POST