Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo dhammeystiray guddiga farsamada

Puntland iyo Jubaland ayaa soo gudbisay min laba xubnood oo ku matalaya guddida farsamada ee dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nayroobi.

Puntland ayaa labada xubnood u magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Caarshe Maxamed Siciid, halka Jubaland ay u magacowday xildhibaan Cabdirashiid Jire iyo Saahid Qodhob. Madasha Samatabixinta ayaa labadeeda xubnood hore ugu magacowday xildhibaan Cabdilaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Guddigan ayaa dhawaan qabanqaabinaya shirka koowaad ee Golaha Mustqabalka Soomaaliyeed oo la filayo in uu midkood ka dhaco Garowe iyo Kismaayo.

Shirkaas ayaa lagu dhammeystiri doonaa qaab-dhismeedka golaha, sidoo kale waxay uga arrinsan doonaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka, sida ay ku sheegeen bayaankii Nayroobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.

PUNTLAND POST